XOG+SAWIRRO: KABA KUTUKADE & HOGAAMIYEYAAL AL SHABAAB AH OO LAGU ARKAY SH/DHEXE...

XOG+SAWIRRO: KABA KUTUKADE & HOGAAMIYEYAAL AL SHABAAB AH OO LAGU ARKAY SH/DHEXE & QORSHE HALIS AH AY WADAAN.

189
0
SHARE

Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe waxa ay kulan kula qaateen Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaankaasi.

Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen Saraakiisha Ururka Al Shabaab ayaa ujeedkiisa, wuxuu ahaa taageero waydiin ku aadan dagaalada ka socda Somaliya.

Saraakiisha Shabaab ayaa Odayaasha ka codsaday door kasta oo ay kaga qayb qaadan karaan dagaalada ka socda Somaliya inay muujiyaan, maadaama loo baahan yahay taageero buuxda oo garab istaag ah.

Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade ayaa Odayaasha ka soo jeeda Degmada Aadan Yabaal, ku tilmaamay kuwa markasta u taagan caawinta Shabaab, iyaga oo muujiya doorkooda ku aadan dagaalada.

Sheekh Xasan Yacquub oo ah Gudoomiyaha Shabaab ee Gobolka Galgaduud, ayaa uga mahadceliyay Odayaasha Degmada Aadan Yabaal, sida ay ugu heelan yihiin garab istaaga Shabaab.

Odayaashii meesha ka hadlay, ayaa balan qaaday inay la garab taagan yihiin Shabaab wax kasta, maadaama dalka ay kula dagaalamayaan Shisheeye sida Odayaasha hadalka ay u dhigeen.

LEAVE A REPLY