XOG SIR AH: MADAXWEYNE FARMAAJO OO LAGU BAHDILAY GAROOWE.

XOG SIR AH: MADAXWEYNE FARMAAJO OO LAGU BAHDILAY GAROOWE.

160
0
SHARE

Wararka laga heleyo Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog leh uu ka socdo magaalada, iyadoo ciidamo hub badan wata ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay.

 

Abaabulkan dagaal ayaa Maamulka Puntland wuxuu doonayaa inuu kaga jawaabo Dagaalkii shalay Somaliland kala wareegtay deegaan muhiim ah.

 

Masuuliyiinta Puntland ayaa ku hanjabay inay qaadi doonaan dagaal xoogan oo ay kula wareegayaan deegaano hada ku jira gacanta Somaliland.

 

Hadaba madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan Magaalada Garoowe, waxaana ay indhaha ka fiirinayaan abaabulka dagaal eek a socda magaalada.

Ilo wareedyo ku dhow Madaxweynaha ayaa sheegaya in Farmaajo uu arintan damcay inuu kala hadlo Cabdi weli Gaas laakiin loo sheegay inay tahay arin u taala Maamulka Puntland oo dowlada Federaalka aysan shaqo ku laheyn.

 

Si kastaba ha ahaatee Dagaalkan u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland ayaa caqabad ku ah safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku joogo Garoowe,

 

maadaama Masuuliyiinta maamulkaasi ay hada ku mashquulsan yihiin ka jawaabista weerarkii shalay.

LEAVE A REPLY