UUR KU TAALO JACEYL IYO GEERAAR JACEYL OO AAD U MACAAN {...

UUR KU TAALO JACEYL IYO GEERAAR JACEYL OO AAD U MACAAN { KA FAA’IIDEESO } WAXAASAA JACEYL KAA AH.

48
0
SHARE

waa naf dooratay aragtidaada,damiirkeeda shaqsiyadeedna uu cabiray in aad adiga u noqon karto hormuud.

taaasoo ay sababtay gacalo nafteyda oo kuu qabto harraad xoogan,

waxay hanashadaadu ii tahay horumarka nolasha,horjoogaaguna waa ii naruuro,la noolaashahaagana waa ii nasteexo,la’aantaa noloshu wax macno ah iima sameyneeso.

waxaaan ahay asagaa kaa eeganayaa aadmiga oo idil.

waxyeelku waa xumo gurigeed.

doonisteydu waa mid saldhigeedu yahay mustaqbalka aayaha dambe, indha urooneey,

hidiladeydu waxay ku haboonaan laheyd anigoo hooy kula galo oo aad noqoto hooyo ubad leh.

sibiq tii sal iyo baar ku saaqday nafteeydaay sekenkaan soo xasuusto suuradaada wacaniyo,suubananta asluubtiyo samirkiyo dulqadkaa,salalaa saqdii dhexe.

samri wayay saluuglaay,saadaashii nafteydaay,soow suntii jaceylku ima goynin seedaha,saacadii i dhaaftana salaloo maseexdo’e. saafidaan jeclaayeey silic dilyootay nafteyduye samri waayay la’aantaa la’aantaa samri wayay la’aantaa.

 

qoraalka wuu sii socdaa sawirka kadib;

 

 

 

S sahal maa han caashaqaan hadaan lagula sideynin sibir waaka qaraar yahay samada iyo dhulka dhexdooda saan qaadku badanaa samirkuna wacanaa silsilad waaye dunidaan hadba si kugusoo mareysa

 

sifaalaha nikaaxa sifihiisa furiin maxaa ka dhigay?.

 

{ S } Suuban waxa kaliyah dadka kaala soo baxay suugaan kuugu tiriyaa samo kuugu dhowraa samaan kuugu heesaaa suleekha kuugu yeedhaa wanaagaaga u sidaa sabi dhalaameed saxar kaa ilaalshaa waa jaceyl i saarna saddax iyo toban sano sidii tiriig siraadnaayaa igu siyaado saameeyay noloshoo aan la seexan waayay saw dhexe i mira

 

oo sahwi igu salaamoo sanka iyo duleeshoo suudiyo cadceed kulul saynabeey i dhigayoo maanta aan la soognahay

 

hadba dhinac ii sida oo marba aan la sarakicin naftu wey silootoo samir qaadan weysay.

 

(S)Xumaan iyo nabsi ruux xambaarsaday xashaash ku noolaan maayo, xaqdaro nin ku dhaqmaayo xakinkaa arkaayo xaqiiqdii guul ma gaaraayo, xiliga maanta la joogana xaalka aduun yaalo xifaalo malaha, xili leys xisaabinaayo xabaasha aaqiro waaye ee xiskiina ku haaya.

(S)Dadaal aduunyo iyo dulqaad dib umaan dhigin damac daranaa dusha leyga saaray daaraha dushoodbaa dahab ley suray, dad kulul aan danqasho laheyn dooqaaga haduu galo dad looma eedsado, daahirii rasuulkeena iyo daa’inkii na abuurtaan dartood aan kugu deeyay.

(x) xiiso caashaqeynii xaashaa lillahiye xushmad buu muteestay xulashadi haweenkay xil tii iga mudneydey xaalkaadu siduu yahay xiskaad iiga tiiloo waan kuu xakaaraye xaajiyo sidee tahay xalay aawadaabaa xarig laygu taagoo xamaaskeygu baxayee xamar baan u xiisaye xaalkiis war iga sii.

LEAVE A REPLY