TAARIIKH NOLOLEEDKII MADAXWEYNE AADAN CADE….W/Q ANWAR AHMED MAYOW.

TAARIIKH NOLOLEEDKII MADAXWEYNE AADAN CADE….W/Q ANWAR AHMED MAYOW.

72
0
SHARE

waxaan halkan idin kugu soo gudbindanayaa taariik nololedki AUN madaxweynihii 1aad ee somaliya.

 

Aadan cabdulle cusmaan (aadan cadde) wuxuu ku dhashay magaalda beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan sanadkii 1908.

Dugsi quraanka iyo waxbarashada aasaasiga wuxuu kusoo qaatay magalada mugdisho ee casimada somalia heerkiisa aqooned ma dhaafsisaneyn waxbarashada dugsiga hoose .

AUN aadan cadde wuxuu ahaa shaksi kutilmamman geesinimo,ku kalsoon naftisa iyo awodisa shakhsiyaded wuxuu ahaa qof jecel oo had iyo jeer ku dhexjira bulshada Sanadkii 1944tii aaadan cadde wuxuu kamid noqday ururkii naadigiii la oranjiray #SYC kaso markii dambe isu bedelay ururkii leegada #SYL Sanadkii 1947di wxaa loo doortay aadan cadde inuu syl masuul kaga noqdo gobolka hiiraaan .

Kadib dhamaadkii xukunkii isticmarka iyo xoriyadii gobolada koonfureed iyo isracii midowgii gobolada koonfur iyo waqooyi ee wadanka soomaliya waxaa aadan cadde loo doortay inuu madaxweyne kanoqdo jamhuuriyadii somaliya 1960kii AADAN_CABDULLE_CUSMAAN waxuu noqday madaxweynihii ugu horeyay ee somaliya asigoona soo dhisay dowlad awood leh oo katalisa guud ahaan gayiga somaliyed Doorashadii 1967dii markii uu madaxweynanimada ku guuleystay aun madaxweyne cabdirashiid cali sharma arke madaxweynihii 2aad ee somaliya aadan cadde wuxuu xukunka ku warejiyay si maamus iyo xoriyad leh waana dhacdo dhif iyo naadir ku ah qaarada afrika oo xukunada lagu kla warego inqilaab ciidan , mucaaradyo iyo in xukunka la is adkeeyo sidaaad aragteen marar badan Waxaana lagu tiriyaa aadan cadde inuu ahaa madaxweynihii ugu horeyayy ee afrikaan ah oo xukunka ku wareejiya si dimoqoraadi ah Kadib markuu xukunka wareejiyay wuxuu uguuray deegaanka mooshaani ee gobolka shabelaha hoose halkaas oo uu kulahaa beer Markii ay burburtay dowladii dhexe ee soomaaliya 1991 aadan cade wuxuu kamid ahaa dadkii kashaqeynayay in ladaba qabto qaranka sii burburaya Aadan cadde wuxuu ku dhintay magalda nairobi ee dalka kenya 8dii bishii june 2007dii waxaana lagu aasay magalada mogadisho ee casimada somaliya 11kii june isla sanadkaas waxana xiligaas aaskiisa kaqeybgalay madxweynihii xiligaas Cabdulahi yuusuf axmad iyo Ra isulwasarihisi cali maxamad geedi

Waxaana kaloo goobjoog ka ahaa aaska maxweynihii 1aad aadan cade maxaweynayashii hore ee cali mahdi maxamad iyo cabdiqaasim salaad xasan iyo dadweyne aad ubadan Waxaana lagu maamusay oo loogu magacdaray airporka mugdisho oo xiligaa loo bixiyay aadan cadde airport iyo isbitaalka aadan cabdule hospital Intàs ayaan kuhakinaya taarikhda madaxweynihii koobaad e somaliya Fg qeyb kamid ah qoraalkan waxaan kaso qaatay buuga oo uu qoray qoraaga

Anwar Ahmed Mayow

LEAVE A REPLY