SIDEE RW KHEYRE UGU JAWAABAY SIYAASIYIINTA & XILDHIBAANADA MUCAARADKA EEDEYNAYA NISA?

SIDEE RW KHEYRE UGU JAWAABAY SIYAASIYIINTA & XILDHIBAANADA MUCAARADKA EEDEYNAYA NISA?

115
0
SHARE

Mudane Xasan Cali Kheyre Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in la xoojinaayo shaqada ay qabtaan ciidanka Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Khayre ayaa sheegay sanadkaan 2018-ka in Miisaaniyada loo kordhiyay Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka ,islamarkaana lagu daray qarash dheeri ah oo ku saabsan shaqada ay qabato NISA.

Wuxuu sheegay Xukuumadda Sooamaliya inay ka go’an tahay sare u qaadida shaqada Nabad Suggida  si loo qabto shaqooyin muhiim u ah dalka.

Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaaraha Somaliya xalay ka jeediyay munaasabada 48-sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaska Hay’adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka NISA.

Dhanka kale,Siyaasiyiin iyo Xildhibaano Mucaarad ku ah Dowladda ayaa ku eedeeyay Hay’adda NISA ineysan u adeegin Ummada Soomaaliyeed,islamarkaana lagu mashquuliyay dani gaar ah oo shaqsiyaad wata sida ay hadalka u dhigeen.

LEAVE A REPLY