RW KHEYRE OO SI AAN HORAY LOO ARAG ULA HADLAY MUCAARADKA &...

RW KHEYRE OO SI AAN HORAY LOO ARAG ULA HADLAY MUCAARADKA & SIDAY U WAJAHAYAAN 2018KA.

18
0
SHARE

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay Siyaasada dowladda ee Sanadkaan Cusub ee 2018 ayaa sheegay in dowladda ay wax walba wadahadal iyo xal ay ku raadin doono.

Waxa uu soo hadal qaaday dadka mucaaradka ku ah xukuumadiisa waxa uuna sheegay in dhaliisha wax dhiseysa ay soo dhaweynayaan, balse ay ka digayaan dhaliilahaha danaha shaqsiga ku jirto ee shacabka Soomaaliyed aysan dani ugu jirin.

 

Sidoo kale wax uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay xiligaan hiigsaneyso wadooyin badan taas oo horseedi karta in guul laga gaaro dowladnimada xiligaana la joogo waqtigii lagu tartami jiray dadka Soomaaliyeed.

Hadalkaan ayuu Ra’iisal wasaaraha ka sheegay xilli uu wareysi siinayay Warbaahinta Dowladda.

 

 

 

Indhaha Mucaarad badan ayaa ku soo jeeda Dowladda,kuwaasi oo fagaaraha ka sheegay dhaliilaha Dowladda.

 

Audio Player

LEAVE A REPLY