MILICSIGA TAARIIKHDA WARAYSI GENARAL CAYDIID 1994.

MILICSIGA TAARIIKHDA WARAYSI GENARAL CAYDIID 1994.

58
0
SHARE

Akhristayaal, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa waraysi uu bishii April ee 1994 Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan ka qaaday General Maxamed Faarax Caydiid.

 

Maxamed-Rashid, oo hadda ah wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Somaliland, wuxuu wakhtigaas ahaa weriye ka tirsan laanta afka Somaliga ee BBC-da, waxaanu waraysiga kula yeeshay magaalada Addis Ababa. General Caydiid, wuxuu waraysiga kaga hadlayaa arrimo badan oo kala duwan, waxaanu ku bilaabmayaa dagaaladii Muqdisho ku dhex maray General Caydiid iyo ciidamadii Maraykanku horkacayay ee UNISOM

Gen.Caydiid Adiga dareenkaaga aadminimo markii dagaalkaasi uu dushaada ka dhacaayay marna ma’is tidhi waxa laga yaabaa in lagaa guulaysto,dabadeedna xaga taariikhda aad noqoto nin dagaalkiisii iyo dadkii la dagaal galayba ay taariikhda ka baxeen?

 

Horta sida aad ogtahay anagu Soomaali ahaan waxaanu nahay dad boqolkiiba boqol muslim ah, Alle iyo diintayada ayaanu aaminsanahay, waanan isku kalsoonahay, aniga markii ay dhibaatadaasi ila soo gudboonaatay shacabkaygiina aan arkay in la qabanaayo oo in la burburiyo oo la laayo oo cagta hoosteeda la galiyo la doonaayo, markaan arkay qosrhaha cadawgu waxa uu ku salaysan yahay, waxaan niyaystay oo aan xilka saartay Alle in cadawgaas gardarada nagu weeraraaya aanu naga guulaysan, markaas niyadayda maan galin maalin, saacad, daqiiqad in nalaga guulaysanaayo.

 

Sidaas awgeed dadkayaguna ila dareen ayay ahaayeen oo waxaad xasuusantahay markii ugu horaysay oo nin Yuusuf la yidhaahdo oo BBC-da ka socday iyada oo dagaalkii uu socdo habeen aan ku qaabilay meel uu war iga duubay hadalkii ugu horeeyay ee aan ku idhi waxa uu ahaa Allihii weynaa iyo shacabkayga ayaan xilka saaranay oo iyaga ayaa I daafacaaya, qaranimadooda iyo sharafkoodana iyaga ayaa daafacaaya, markaas runtii sidaas ayaanu ku dagaal galnay oo aanu isku daafacnay, waxaanan mar kasta ku kalsoonayan inaan ka guulaysanayno cadawga nala dagaalmaaya.

 

Dad badan ayaan la socon inaad tahay qof diiniya, miyaa lagugu danbaabayaa mise waxaad ahayd qof xidhiidhka uu Alle la leeyahay aad u adag yahay, ilaa intii aad noolaydna uu xidiidhkaas aad u fiicnaa?

 

Anigu waxan aaminsanahay Allaha weyn iyo diintayada, waan isku kalsoonahay, dadkana marka aan la hadlaayo si ay uga gudbaan dhibaatada, waxaan ku waaniyaa Alle iyo diintiina aamina, ku kalsoonaada inaad cadawgiina ka adagtihiin, markaas anigu diinta aad ayaan u aaminsanahay, aniga oo yar ayaan quraanka bilaabay, waan tukadaa shanta salaadood ee Alle faralka inagaga dhigay, waxaanan aaminsanahay umaddeena oo muslin ah in ay guulaysanayso hadii ay ku dhaqmaan diintooda, iskana ilaaliyaan qaladaadka dhici kara, Alle ayaan wax qaldi karine inay iska yareeyaan danbiga iyo qaladaadkaba.

 

Dadka Soomaalida ah way ku yar yahiin dadka wax qoraa, waxaana ii muuqata buugaagtan aad qortay oo kale in aanay suurtoobi kareen haddii aanad mar walba heerkaad marayso iyo nolashaadu siday tahay aanad qorayn, goormaad bilawday inaad qorto waxii caadi ah iyo waxii aan caadi ahayn ee kula soo kulma?

 

Waan qoraa,mudadii aan Talyaaniga wax ku baranaayay ayaan bilaabay inaan xasuus qor samaysto oo waxa aan la kulmaayo maalin kasta aan qoro,ha’yeeshee qoraalka rasmiga ah waxaan bilaabay markii Hindiya layga dhigay safiirka oo rajiimkii Maxamed Siyaad Bare uu hogaaminaayay halkaas igu magacaabeen oo isagu u dan lahaa in laygu fogeeyo, ha yeeshee anigu aan aad iyo aad uga faa’idaystay,sababta oo ah waxaan sameeyay baadhitaan badan,waxaan goostay markaas inaan buugaag qoro,aniga oo ilaa iyo intii aan yaraaba ama aan wax baranaayay aan jeclaa inaan wax qoro oo aan niyada waligayba ku haystay,markaas waxyaabaha aan u jeclaa ee markii aan wax baranaayayna aan soo bartay oo ah taariikhda iyada oo markii aan hore u sii socdayna aan jeclaaday dhaqaalaha iyo arimaha shuruucda, kabacdi waxaan ku fakaray maadaama oo aanay ku badnayan dadka Soomaalida ah dadka buugta qora,aad iyo aadna waxaan uga walwali jiray taariikhda Soomaalida maxaa loo qori wayay,buugta aan akhriyayna waxaan arkay inay qaldanyihiin waxa Soomaalida laga qoray oo wax yari run ka yihiin,markaas waxaan guustay inaan buug qoro.

 

Xasuus qorkaaga goormaad bilawday?

 

Ilaa iyo markii aan akadamiga malatariga ku jiray ayaan bilaabay oo macalimiintayadii ayaa nagu waanin jiray inaan xasuus qor aan samayno, oo waaba nalagu tabobaray oo intaanu Akadamiga ku jirnay Axad kasta waxaanu iman jirnay magaalada Rooma meelaha taariikhad  ah ayaanu soo booqan jirnay, sadex bilood ayaanu talyaaniga ku wareegaynay oo aan gobal kasta baranay,waxa nala siin jiray buug aanu ku qorno xasuus qor maalinkasta waxii aanu soo marno,markaanu akadamiga ku soo noqonana waxa nalagu odhan jiray waxii aad soo aragteen waxayba ka mid ahayd darsi inaad waxii aanu soo aragnay uun qoraal ka samayno,waraaqo aan dad u qorayno,xataa imtaxaan ayaa nalaga qaadi jiray,halkaas ayayna iga soo raacday fikrada qoraalku,markii aan anigu akadamiga soo dhameeyay waan korodhsaday oo markaas waxaan qoro,maaha taariikhda oo kaliyaata ee waxaan qoran jiray xataa maahmaayaha Soomaalida iyo ajaanibka kaleba,waxaan qoran jiray hadalada ay yidhaahdeen dadka cilmiga leh ee laga faa’idaystaa, akhriskayguna waa uu badnaa.

 

Aan dib ugu noqono culuumtaadii dhanka militariga,Soofiyatigii waligaa miyaad tagtay?

 

Markii saddexaad ee aan dibada wax ku soo barto ayay ahayd,waxaan tagay 1963-dii waftibaanu markii hore ku tagnay, waftigiina waanka hadhay oo waxaan galay Akadamiga weyn ee loo yaqaano Furunsi,halkaas oo aan sadex sano ku soo qaatay cilmi farobadan mid rayid iyo mid militariba,kadib waxaan ku soo guulaystay inaan qaybta labaad ka qaato Diploma ama Degree militari, kadib  Somaliya ayaan ku soo noqday, waxaanan jagooyin muhiimah ka qabtay ciidamadii oo uga faa’ideeyay umadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY