MADAXWEYNAHA GALMUDUG IYO KU XIGEENKIISA OO KU WAJAHAN CAABUDWAAQ.

MADAXWEYNAHA GALMUDUG IYO KU XIGEENKIISA OO KU WAJAHAN CAABUDWAAQ.

145
0
SHARE

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamul goboleedka galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu wadaa iney maanta gaaraan dagmada caabudwaaq ee Gobolka galguduud, ujeedka safarka wafdiga ee caabudwaaq ayaa lagu sheegay inuu yahay in ay dagmadaasi kusoo dhaweeyaan madaxweynaha Soomaaliya maxamed c/llaahi farmaajo oo safar ku tagaya maalmaha soo aadan.

Wafdigaan ayaa waxa ay isugu jiraan wasiiro xildhibaano waxaana sidoo kale kujira madaxweyne ku xigeenka Maamulka galmudug maxamed xaashi cabdi carabeey iyo sido kale odayaasha dhaqanka.

 

Dhanka kale Maamulka dagmada Caabudwaaq ayaa waxa ay warbaahinta u xaqiijiyeen socdaalka wafdiga iyagoona sheegay in ay maanta u diyaargaroobayaan soo dhaweynta isla markaana si aad ah loo adkeeyay amniga deegaanadaasi.

 

Madaxa arimaha bulshada ee dagmada caabudwaaq muuse inji ayaa idaacada Simba u sheegay in Caabudwaaqay maalmaha soo socda u diyaargaroobeyso soo dhaweynta Madaxweyne farmaajo isla markaana wax badan laga badalay amniga iyo howlihii ka socday dagmada.

LEAVE A REPLY