GEERAAR JACEYL AH.

GEERAAR JACEYL AH.

42
0
SHARE

Hamday waxaa tahay

saxansaxo udgoon badan

ama seeyma roobaad

quruxlagu saleeyiyo

aduun lala simaa jirin

siduu eebe kaa dhigay

soo jeedka feeyskiyo

sankaiyo faruuryaha

suniyaha indhahategey

wejigaagu suuyahay

balaan kuu sifeeyee

lama siinin aadmiga

taa waxaa kasii daran

soomaali baa tahay

midabkaagu waasubag

sara jooga dheeriyo

laafya seeyrin taaduna

waa geeniyo socotoon

aadmi lala simaa jirin

samirkiyo dulqaadkana

ilaahbaa ku siiyoo

sinji baad uleedahay

sooryeeynta admiga

sida anigu aan qabo

sune inanku dhalataad

sideedii udhaqantaa

anuguna saluuglaay

ducaan kugu sagootiyey

weligaa samaantiyo

soomaali nimadiyo

calankaaga uunsido

marakaad seexaneeysana

waasalaada dabadeed

suno yaan lagaa weeyn

xuuralceeynta simanoo

janada lagu siyaartana

saaxiib aad ahaataan

gabdhihii samaayoo

soonkiyo salaadiyo

soowjla la dhaqanka fiicnaa

rabibaa ka saacida

siraadkii madoobaa

fardoowsana usuubiyey

adna soowjadeeydaay

waxaan kaa sugaa duco

iyo samir kalsoonile

LEAVE A REPLY