GABAY: CIRJIIDH IYO XALANE OO GABAYADII AY ISDHAAFSADEEN.

GABAY: CIRJIIDH IYO XALANE OO GABAYADII AY ISDHAAFSADEEN.

78
0
SHARE

Cabdiraxmaan Ibraahim Magan oo ku magacdheer Cirjiidh oo in badan qurbaha ku noolaa, dhulkii hooyana aan muddo dheer tagin ayaa dhawaan safar gaaban ku gaadhay degaanka Jubbooyinka Soomaaliya gaar ahaan xarunta Jubbada Dhexe ee Bu’aale. Markii uu dib ugu soo noqday Yurub oo fadhigiisu ahaa, 2dii bishii Jannaayo, 2011ka ayuu jiifto gaaban oo warbixin iyo guubaabo isugu jirta mariyey.  Cirjiidh wuxuu jiiftada u bixiyey Baashir, wuxuuna ku bilaabay:

 

Dhalintiyo barbaartaay

oo bari dhawayd

uma bixin bu’aaloo

baabuur Tayoota ah

boodaaya sida haad

uma raacin beelihi

 

 

Badhtankeeda dhoobleey

ka billownay socodkee

waxaan sii boqoollaba

buundadii wacnayd iyo

saw maanan marin boga[1]

 

Boqollaal na sugayiyo

saaxiibo badanoon

kala baadnay waayaha

soo bariidadoodii

burburka iyo daalkiyo

bacadkiyo jiidaashii

 

 

buskii[2] nama illowsiin

 

Bakaal iyo Bitoow

Ina Boodhle Khayr

Bile iyo Shariif iyo

Santuur boqorki uu dhalay

Buukay iyo Siyaad Gaab

Barre daduu u weyn yahay

iyo qaar kaloo badan

boholyowna loo qabay

saw beeshii kama iman

 

Barqadii mar ay tahay

illayn waw buseeloo

indhahaw basaasee

canbe iyo babaay iyo

 

baydaan[3] caleenliyo

 

 

barde midho ku yaaliyo

qare iyo bambeelmiyo

bocorka iyo yaanyada

barwaaqada dhulkeenniyo

beeraha cagaarka leh

 

soo baashir[4] uma tagin

 

 

Wabi baaxad waynoo

ku aroora badahoo

biyahiisa hodanka ah

badarkiyo gallaydiyo

lagu beerto midhahoo

cadow uga baqaynoo

ninba baasha uu rabo

 

bustaan[5] kaga samaystoo

 

 

ku illowsha baahida

 

saw baarax[6] uma arag

 

Dhulka meel bannaan

hawd iyo dhulbaadle

buuro iyo taag

balli iyo dhasheeg

booraama goda

raamo iyo bacaad

biddo dibir ahayd

bisiq iyo fullaay

xagar baahsanaha

 

oombay[7] bashaqa

 

 

bilcil iyo cadaad

tugeer aad u baxay

abaq baalla dheer

iyo qaar kaloo badan

boholyawna loo qabay

soo baarax uma arag

 

Boodaan[8] iyo aleen[9]

 

darmad[10] aad u bilan

 

 

ibil baarqabba leh

bay iyo caddaan

boore iyo dhiin

baqartii lo’aad

riyo wada bafta ah

ido baanasha leh

ari bananka tuban

geri iyo biciid

cawleey badhya cad

goodir boodda dheer

balanqiyo atoor

farow bowdya weyn

shabeel bara le iyo

baabullaha libaax

shimbir buuba iyo

 

baaz[11] iyo gallayr

 

 

iyo qaar kaloo badan

boholyowna loo qabay

soo baarax uma arag

 

 

Kuwa baylahshee

dibadaha u baxayoow

maad baraarugtaan

basar iyo wax qabad

isu biirsataanoo

baxdintiyo nabraha

dib u baanataanoo

ballan wada gashaanoo

midka aan bislayn

u bayaamisaan

 

ha u bayl[12] xidhee

 

 

Jiiftadaa Cirjiidh ee quruxda badan waxaa saluugay halabuur Xuseen Cabdi Xalane.  Oo muxuu u saluugay? Labo sababood dartood ayuu u saluugay.  Midda hore, Cirjiidh ayuu kala weyn yahay jiiftada oo wuxuu leeyahay gabayaa ayaad tahay, adiga oo dhalin yar ayaana taa laguu qiray ee jiifto daadsan maxaad noogu harraadin? Midda labaad, waxay Xuseen la tahay  degaanka uu Cirjiidh tagay jiiftadana kaga warbixiyey inuu mudan yahay kufna u yahay in gabay uun lagaga warbixiyo.  Aragtidiisa geeraarka, jiiftada, guurowga, saarka, heesaha iyo noocyada la qaafiyadda ah oo dhammi kuma habboona in degaankan lagu tilmaamo.  Mar haddii degaanku taa mudan yahay, Cirjiidhna uu karo inuu gabay wacan mariyo, saw haddaba in lagu qoddeeyo ma aha.  Sidaa awgeed, Xuseen muhindiskii ayuu rogay, wuxuuna 20kii Jannaayo 2011da soo saaray gabaygan hoose.  Wuxuu yidhi:

 

  • Gabay buu Cirjiidhow ninkii garan higaadshaaye

 

  • Goob buraanbur laga boodayiyo gawlihiyo saarka

 

  • Goosgooska iyo jiiftadiyo hees gabdhaa jecele

 

  • Maandhow gadhkaagiyo cirrada gaartey madaxaaga

 

  • Adigoo gu’gaa jira haddaad gocotay suugaanta

 

  • Geddii Raage Gobo’dii Dagiyo gumacyadii Saahid

 

  • Geesigii Darwiishkiyo sidii gabayadii Hawle

 

  • Calidhuux gantaalkuu ridayo guba wareeggeedi

 

  • Garnaqsigi Qamaan iyo Salaan gooddigiyo faanki

 

  • Heerkaa inaad gaadhey baa igu gullaalayde

 

  • Geeraarba kaagama fadhiyin waa golmadhantiiye

 

 

 

  • Adoo gabana goohaad murtida dunida gaadhsiisey

 

  • Codkaagii galiilyada badnaa guuxa danankaagii

 

  • Meeshaan caqliga gaamuriyo gaax ka filanaaye

 

  • Ma gabaabsibaa maansadii loo gu’ tirinaayey?

 

  • Gaylabkiyo marbuu hoorka geel godolka diidaaye

 

  • Ma geddiisii baad tahay maxaa gudhiyey maankaagii?

 

  • Geedigii Bu’aaliyo tixdaad gelisey e-mailka

 

  • Geyigaad astaantiisa gaar guud marka u sheegtey

 

  • Xiisehiisu wuu igu go’naa gaadhna  waan rabaye

 

  • Dhulkaasoon gabiib iyo gol iyo geedna la hilmaamin

 

  • Haddaad gabay ku faalleyn lahayd waan gam’i lahaaye

 

  • Jiiftadii galooftiyo ahayd hadal ganbooleyda

 

  • Ima galin farriintii gudhneyd waa gelgelintaase

 

  • Galaalxoorka maansada intaad dib u guhaadooni

 

  • Eed gabayadaan kugu aqiin soo geddiyo doonto

 

  • Geeraar weydiyo haygu gubin, eray aan qaangaadhin

 

Gabaygaasi wuxuu Cirjiidh soo gaadhay 25kii Jannaayo ee 2011ka.  Jawaab degdeg ah ayuu ka bixiyey.  Maadaama oo uu Xuseen Cabdi Xalane ka mid yahay Soomaalida faro-ku-tiriska ah ee maanta magaca iyo saamayntaba leh, qoraa iyo abwaan caan ahna yahay,  waxay Cirjiidh la tahay inay ahayd inuu muujiyo kana hadlo abwaanno, halyeeyo gumaysiga la diriray, saaryahanno iyo guurowyahanno degaankan kasoo jeeda balse aan helin fursad lagu ogaysiiyo umadda Soomaaliyeed.  Su’aashu waxay Cirjiidh la tahay ragga gabayga caanka ku ah ee uu Xuseen gabaygiisa ku xusay kuwii aan ka dhicin ee degaanada Godey, Afdheer, Bakool, Gedo iyo Jubbooyinka iyo NFD kasoo jeeday maxaad carrabka u marin wayday?  Sayid Maxamed Cabdille Xasan si sax ah ayaad u xustay waana uu mudan yahay xusitaankaa iyo ka badanba, balse Xaaji Cabdiraxmaan Mursal iyo Deeqow Macallin Sanbul maad Soomaalida intii aan ogayn ogaysiisid?  Geeraarka, jiiftada, heesaha kuwa la nooca ahiba miyaanay badweynta maansada ka mid ahay?  Maxayse  galabsadeen?

 

Gabay uuu bixiyey Gocasho ayuu mariyey Cirjiidh 26kii Jannaayo 2011ka.  Gabaygiina waa kan:

 

Geeraar la qaadiyo tix iyo gabay cod loo yeelo

jiifto iyo hees lagu gam’iyo  gedaha suugaanta

giddigood naxwe iyo waa murtida  gogol dhiggeediiye

 

Hadba garashadaadiyo  wixii kula gudboonaada

adigoo xilliga guurayiyo hubiyey goobjoogta

mid umbaad go’aan uga dhigtaa gocoshadaadiiye

 

Dadkuna kala goobogoobo iyo gobollo weeyaane

qolo waliba jiib lagu gartay gees u leedahaye

guuroowga iyo saar maxaad gooni uga yeeshay?

Adigoo abwaan gaamuray iyo guurti u ah beesha

galbeed iyo maxaad hawd dhibcaha gaarka ugu siisay?

Dadna aad gantaalkiyo madfaca ugu garaafaysay?

 

 

Godey iyo Afdheer iyo Masliyo gebiyadii Qooxle

Gollihii Cadaadliyo Bankiyo gurada Hawdheere

Gabbal dhinacyadeediyo Surmi iyo gacamadii Diima

Wabigii Ganaaniyo Jubba iyo godonnadii Waamo

Jabbii gaararkeediyo intii Salagle loo gaadho

Dhulkii aan gallaydiyo nimcada goorna laga waayin

Goonyaha Bakool iyo Gan iyo Gadiyo Baardheere

 

Gaashiyo Dhadhaab iyo Gisiyo[13] Dhuujis gudaheeda

 

 

iyo Gaarris weyntii nafluhu uu u wada guuray

Gurigii Kismaayiyo badda iyo Jilib gedaankeeda

Afmadoow garkeediyo Lagtiyo, Taabta gadowgeeda

Geriley dusheediyo Wajeer Xagar gawaankeeda

Garoonkii Libooyiyo Xayiyo Faafi garabkeeda

Kudhaadaan cagaarkeedu gu’in  gu iyo jiilaalba

 

Deeqowgii[14] gumaysiga necbaa golihi uu joogay

 

 

Nin gaboodfal qaata iyo halyay  geesi oo dirira

Markii labada goonyood khalqigu uu u kala guulmay

 

Ilyan[15] meeshi lagu gowraciyo gaasaskii ururay

 

 

Haddaad gabay ku faallayn lahayd waan gam’i lahaaye

 

Gayigeenna oo idil intii magac leh maad goobtid?

Garraax iyo si aan muran lahayn maad garta u qaadid?

Nin waliba siduu wax u gasbaday maan gunno u siinno

 

 

 

 

[1] Boga: magac loola jeedo buundada webiga ee magaalada Bu’aale

 

 

 

[2] Buskii; boodhkii

 

 

 

[3] Baydaan: magac geed

 

 

 

[4] Baashir: si toos ah

 

 

 

[5] Bustaan: beer ama aseendo

 

 

 

[6] Baarax: dhib la’aan

 

 

 

[7] Oombay: geed badhi leh oo geelu cuno

 

 

 

[8] Boodaan: Koor weyn oo geela loo xidho

 

 

 

[9] Aleen: koor yar oo geela loo xidho

 

 

 

[10] Darmad: koor meel dhexaad ah

 

 

 

[11] Baaz: gallaydh, maddad

 

 

 

[12] Bayl: suun

 

 

 

[13] Gisi: War Gisi; tuulo u dhaxaysa Dhadhaab iyo Kullan

 

 

 

[14] Deeqow: Deeqow Macallin Sanbul

 

 

 

[15] Ilyan: Francis Elliot; Kornayl ingiriis ah, oo ay Sarinley ku dileen ciidamadii gumaysi diidka

 

 

 

ahaa ee uu horkacayey Xaaji Cabdiraxmaan Mursal. The Sack of Serenli On 2 February 1916, the disaster that British officials had feared would one day happen in the NFD occurred in neighboring Jubaland… halkaa ka raadqaad.

 

 

LEAVE A REPLY